muuqaalka buug-yaraha macaamiisheena

Wax ka qabashada baahidaada iyo ku hadlidda luqaddaada

Waxyaabaheena daabacan waxaa lagu heli karaa luqadda idhoolaha Bralle, daabacaadda farta waawayn ama cajalad duuban.

Waxaa kale oo macluumaadka lagu heli karaa luqado kale.

Khadka caawinaadda macaamisha ee FSA

Haddii aad ka wel-welsan tahay in shirkadda aysan raacayn qanuuniga u degsan, waa inaad kala soo xiriirtaa khadka macaamiisha FSA oo ah 0845 606 1234.

soo cabashadaada iyo guddiga madax-banaan

- buug-yaraha macaamiisheena

Qormada buug-yaraha macaamiisheena ee shabakaddaan, cabashadaada iyo guddiga madax-banaan, waxaa loogu talogalay in laga akhristo shaashadda. Halkii ay kaga habboon tahay, waxaa maharadaha looga baahan yahay inay siiyaan macaamiishooda nuqulka adag ee rasmiga ah ee buug-yarahaan (ma ahan daabacaad lagala soo baxay boggaan) markii la joogo heerka hab-socodsiinta cabashada. Waxay macaamiisha xitaa buug-yaraha naga codsan karaan ayagoo sii toos ah naga soo wacaaya +44 (0)20 7964 1000.

Faah-faahinta maharadda ee ku saabsan:

  • baahida loo leeyahay in macmiilkeena la siiyo buug-yaraha macaamiisha iyo
  • sida loo soo dalbado buug-yaraha dheraadka ah

waxa ku qoran warbixinteena la socodsiinta farasamadeed, u sheegidda macaamishaada waxa ku saabsan Adeegga Guddiga Madax-banaan ee Maaliyadeed.

waxa uu ku saabsan yahay Adeegga Guddiga Madax-banaan ee Maaliyadeed

Haddii aad cabasho ka qabtid bangi, shirkadda caymiska ama shirkad maaliyadeed- waxaa kaa caawini karo Adeegga Guddiga Madax-banaan ee Maaliyadeed.

Waxay shaqadeena tahay inaan xal u helno muranka u dhexeeyo maharadaha maaliyadeed iyo macaamiishooda. Waxaa na aasaasey sharciga sidii aan kani u samayno- bacdamaa aan nahay khubaro madax-banaan- adeeggeenana macaamiisha uu yahay bilaash.

Waxaan fiirin karnaa cabashooyinka ku saabsan intooda badan arrimaha maaliyadeed ay ku jiraan, tusaale ahaan:

  • bangiga
  • caymiska
  • amaahda guryaha lagu iibsado
  • hawlgabyada
  • kaydka iyo maalgelinta
  • kaadhadka amaahda iyo kaadhadka dukaamada
  • amaahda iyo daynta
  • iibsashada kiraynta iyo dhex-dhexeenta rahamaadka
  • talo-siinta maaliyadeed
  • suuq-naadinta, saamiyayaasha, unugyada shirkadaha iyo waraaqadaha dawladda.

Haddii aadan hubin inaan kaa caawini karno iyo inkale dhibaatadaada gaarka kuu ah- nala soo xiriir iyo na waydiiso. Waxaan ku farxaynaa inaan kuu siinno talo.

Inaga soo wac +44 (0)20 7964 1000*

*Annaga ayaa si farxad leh dib kuu soo wici doona, haddii aad ka walwalsan tahay kharashka wicitaankaaga.

midee uu Adeegga Guddiga Madax-banaan ee Maaliyadda wax u caawiyaa?

Waxaan danaynaa inaan ku xallino muranada si caddaalad ah iyo sida ugu deg-degsan oo aan karno. Waxaa muran kasto oo yimaado ka jiraan mar kasto labo dhinac, sidaasi darteed waxaan u eegnaa si taxaadir leh sheekada labada dhinacba waxaana usu miisaannaa dhammaan dhacdooyinka dhabta ah.

Waxaan u malayn karnaa in maharadda aad ka soo cabanaysid ay si caddaalad leh kuugu la dhaqantay. Haddii ay sidaasi dhacdo, waan kuu soo sheegaynaa.

Waxaan go’aan ku gaari karnaa inay maharadda si qalad ah kuugu la dhaqantay sidaasina aad wax kaaga dhumeen. Haddii ay sidaasi noqoto, waxaan amar ku siin karnaa inay maharaddu waxyaabaha kuu saxdo. Guud ahaan, waxay ujeeddada tahay inaan ku gelino meesha aad horey joogtay haddii qaladku dhicin.

waa maxaay tilaabta koowaad ee loo qadanaayo soo cabashada?

Haddii ay dhibaatoo kaaga soo gaartay badeeco maaliyadeed ama adeeg, waa inaad uga cabataa marka koowaad maharadda aad islee-dahay waa ka mas’uul. Waxaad siidaa fursad ay ku saxaan arrimaha.  

Haddii ay dhibaato kugu noqoto inaad kala xiriirtid maharadda ama aadan hubin waxa ay ku saabsan tahay, ina soo ogaysii. Waxaan kuu micnaynaynaa waxaa xigo oo aad qaban kartid.

Inaga soo wac +44 (0)20 7964 1000

goormee uu soo dhax-geli karaa adeegga guddiga madax-banaan?

Waxaan soo dhaxgeli karnaa oo aan bilaabi karnaa inaan fiirino cabashadaada haddii:

  • ay maharadda kuu soo dirtay warqadda jawaabtooda ugu dambayso ku qoran ee cabashadaada ku saabsan ama
  • ay maharaddu horay u haysatay siddeed toddobaad laakin aysan weli kuu soo dirin jawaabteeda ugu dambaysay.

sidee iskaga soo diiwaangelin karaa cabashadayda?

Waxaan kaaga baahanaynaa xoogaa faah-faahino ah, si loo arko inaan kaa caawini karno. Waxaad inoo soo sheegaysaa waxa ay ku saabsan tahay cabashadaada adiga oo inoogu soo diraayo telefoon +44 (0)20 7964 1000. Waxaa markaa ka dib u baahan karnaa inaad soo buuxisid foomkeena cabashada. Waxaa markaa ka dib u baahan karnaa inaad soo buuxisid foomkeena cabashada Waxuu ina siinayaa faah-fahinaaddaada shakhsiga ah iyo macluumaadka ku saabsan cabashadaada- ay ku jiraan waxa aad ka doonaysid inay maharadda samayso si ay u saxdo arrimaha.

Haddii aad ka jeceshahay, waxaad ka daabacan kartaa foomka shabakaddaan.

Markii aad nasoo wacaysid, waxaan kaaga buuxin karnaa qaar ka mid ah macluumaadka telefoonka. Waxaan kaaga baahanaynaa oo keliya inaad si gaaban nagu soo siidid faah-faahinada cabashadaada markii aad nasoo wacaysid, laakin waxaa caawinaad nagu ah haddii markii aad na soo wacdo inoo sheegtoo lambarada caymiskaaga ama akowntiga iwm.

maxaa xigo oo dhacaayo?

Haddii ay cabashadaada tahay mid aan wax ka qaban karno, waxaan caadi ahaan ku bilaabnaa inaan fiirino haddii adiga iyo maharadda idinka caawin karno sidii aad xal aan rasmi ahayn u gaartaan.

Waxaan: 

  • eegaynaa sheekada dhinacaada
  • la xiriiraynaa maharadda si aan uga helno sheekada dhinacooda
  • miisaamaynaa waxyaabaha dhabta ah waxaana
  • u soo sheegayna adiga iyo maharadda fikraddeena.

Waxaan go’aan ku gaari karnaa in maharadda kuugu la dhaqantay sii fiican oo aadan waxba kaaga dhumin sababta oo ah falalka dhacay. Haddii ay noqoto sidaasi, waxaan kuu soo sheegaynaa sababta aan sidaasi ugu malaynayno.

Waxaa jiraan mararka qaarkood ay jirto wax aan u kala caddayn sax iyo qalad. Haddii ay sidaasi dhacdo, waxaan soo jeedin karnaa in meel dhexe layskugu yimaado si looga caawiyo adiga iyo maharadda in xal u heshaan arrinta.

Laakin haddii ay cad tahay inaad adiga qasaaro ku jirtid sababta oo ah wax ay maharadda samaysay (ama aysan samayn), waxaan maharadda u soo sheegaynaa waxa ay ka samaynayso si ay u saxdo arrinta.

maxaa dhacaayo haddii ay tani weli xallinin dhibaatada?

Marar badan, wax ka qabashadaan aan rasmiga ahayn waxuu xallin karaa murankaada. Haddii uusan dhicin, waxaan u baahanaynaa inaan u eegno arrimaha si rasmi aad ah. Waxay sidaani micnaheedu noqon kartaa inaan u qabi doonno su’aalooyin badan adiga iyo maharadda labadiinuba. Waxaan weliba idin soo waydiin karnaa dokumentiyo iyo macluumaad kale. Sidaasi darteed, waxay qaadan kartaa xoogaa waqti ah ka hor intaanan cabashadaada si fiican u baarin.

Qiyaas ahaan, waxaan ku xallin karnaa muranada intooda badan lix ilaa sagaal bilood gudahood. Waxaan mar kasto kula socodsiinayaa halka ay marayso arrintaada. Waxaan ku xallin karnaa cabashooyinka intooda badan iyada oo looga baahan go’aan rasmi ah guddigga madax-banaan.

Laakiin haddii looga baahdo inuu guddiga madaxabaan go’aan ka qaato arrintaadaa, waxuu go’aankaasi yahay kama damays. Laakin haddii go’aanka guddiga madax-banaan looga baahan yahay arrintaada, go’aankaas wuxuu ahaan doonaa mid ugu-dambeyn ah.

Khasab ma aha inaad aqbashid go’aankeena. Waxaad u tahay xur inaad taa beddelkeeda arrintaada gaysatid maxkamad, haddii aad sidaasi jeceshahay. Laakin kuma siin karno talo sharciyeed ku saabsan waxyaabaha looga baahan yahay maxkamadda ama xadaymaha (tusaale ahaan, waqtiyada u xadidan).

miyay jiraan waqtiyo u xadidan in cabashada loo gaysto guddiga madax-banaan?

Haa. Waa inaad cabashadaada nagu soo gaarsiidaa lix bilood gudahood laga soo bilaabo taariikhda “ jawaabta ugu dambayso” ee ku qoran warqadda oo aad ka helaysid maharadda aad ka soo cabanaysid.

Waxaa kale oo la dhaqan gelin karaa oo waqtiyo xadidan haddii:

  • waxa aad ka soo cabanaysid ay dhaceen waqti hore iyo/ama
  • aad ku dhaaftid waqti dheer inaad ku soo cabato ka dib adiga oo ogsoon ( ama aad ku ogaan kartay) inuu dhibaato jiro.

Waxaan kuu soo sheegaynaa waxii nidaamyo ama xadaymaha ku imaan karo arrintaada.

miyuu qof ku soo caban karaa isaga oo ku hadlaayo magacayga?

Qof kasto ayaa isaga ku hadlaaya magacaga kuu soo caban karo - tusaale ahaan, xubin ka tirsan qooyskaaga, saaxib ama Xafiiska Talosiinta Muwaadanka. Laakin waxaan u baahan doonna amarkaaga qoran.

miyaan u baaha nahay khabiir iga caawiyo inuu u geeyo dacwada guddiga madax-banaan?

Maya. Khasab kuguma ahan inaad u baahatid khabiir kaa caawiyo- tusaale ahaan min qareena ama shirkadda wax ka qabata cabashooyinka. Waxaan eegaynaa waxyaabaha dhabta ah - ee ma eegayno sida fiican ee aad u soo bandhigayso cabashadaada. Waxaana ka jecel nahay inaad xaaladda inoogu sheegtid ereyadaada.

Haddii aad qof u soo qoronaysid inuu soo bandhigo arrintaada, waxaa dhici karto inaad ku bixisid kharash. Waxaa tani loola jeedaa inaad wax ka siinaysid magdhawga lagu siin karo.

miyay u gaynta dacwada Adeegga Guddiga Madax-banaan ee Maaliyadda ay la mid tahay iyada loo gaysanaayo maxkamadda?

Adeegga Guddiga Madax-banaan uma aha rasmi sida maxkamadaha. Waxaan si guud go’aan uga gaarnaa arrimaha ku salaysan wararka aad adiga iyo maharadda aad ka soo cabanaysid aad nagu soo sidaan, qoraal iyo telefoonka. Waxaan ku xallinaa sida badan dhammaan muranada iyada oo loo baahan isku keenid waji-ka-waji (mar-marka qaarkood lagu magacaabo “dhegaysi”) labada dhinac ah.

Waxaa dhici karto inaysan kugu habboonayn wax-qabadkeena haddii aad doonaysid inaad u kormeerto shakhsi ahaan dhammaan warqadaha, soo waydiisid su’aalahaada, ama la sameeyo dhegaysi hab-socod ahaan. Sidaasi darteed haddii arrimahaan ay kuu yahiin muhiim, waxaa surto gal ah inaad ka jeclaan doontid in beddelkeeda aad la tegtid dacwada/cabashada maxkamadda.

Sida badan ma qabano arrin ay horay maxkamad u soo eegtay (ama uu maxkamadda wax ka qaban rabo).

miyuu adeegga guddiga madax-banaan ka caawinayaa cabashooyinka ka imaanaayo maharadaha yar-yar?

Haa. Waxaan sida caadiga ah eegnaa cabashooyinka inooga imaanaayo maharadaha yar-yar oo ay sanadkii soo gasho in ka sii yar £1 million.

miyuu adeegga guddiga madax-banaan ciqaabayaa ama ganaaxayaa maharadaha?

Maya. . Waxay shaqadeena tahay inaan ka caawino in la xalliyo muranka u dhexeeyo maharadaha qabtaan adeegyada maaliyadeed iyo macaamiishooda.

Adeeggeena waa mid sir ah. Ma soo daabacno magacyada maharadaha ama macaamiisha oo aan cabashadooda gacanta ku hayno.

Ma qorno nidaamyada maharadyada. Mana ilaalino (ama “nidaamino”) maharadyada si loo hubiyo inay raacayaan nidaamyada. Waa shaqada ay lee-yahiin nidaam qorayaasha, sida Adeegga Maamulka Maaliyadda (FSA) iyo Xafiiska Ganacsiga Caddaaladda Leh (OFT).

Waxuu buug-yarahaan yahay keliya tusmo guud. Waxay nidaamyada aan raacno ahaan karaan kuwo aad u dhib badan.

Haddii aad nasoo waydiisatid inaan eegno cabashadaada, waxaa kuu micnaynaynaa nidaamyada iyo xadaymaha gaarka ah ee lagu dabaqi karo arrintaada shakhsiyadeed. Waxaan mar kasto ku siinaynaa fursadda aad ku waydiisanayso wax kasto oo aadan fahmayn ama aadan aqbalayn.